Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa maanta la qaatay shir Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.
Guddoomiye Cumar ayaa kala hadlay Mr Swan arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta amniga Caasimadda iyo taageerada Qaramida midoobay ee xaqiijinta nabadgalyada.
Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha horumarinta sida Dhismaha Wadooyknka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka, dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakaca Caasimadda.
Mr Swan ayaa dhankiisa balanqaaday in ay xoojin doonaan wadashaqaynta tooska ah ee ay la Leeyihiin Maamulka Gobolka sidoo kalne ay UN ta kaalin taageero la garab taagnaato Gobolka Banaadir.