Guddoomiyihii Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan Cabdicasiis C/llaahi Cabdi (Duurow) ayaa ka hor yimid xilka qaadis uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.
Cabdicasiis (Duurow) ayaa waxaa uu sheegay in aysan soo gaarin Wareegtada xilka looga qaaday,isla markaana aysan jirin Madax soo wacday oo ku wargelisay in xilka qaadis lagu sameeyay.
Sidoo kale Guddoomiyihii Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ee xilka qaadis lagu sameeyay ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidamo isaga taageersan ay la wareegeen Xarunta Degmada Buulo-burte.
“Anigoo ah gudomiyaha dagmada buloburte c/casiis c/laahi cabdi duuraw waxaan cadeynaa in eysan isogaarin waraqda lashegay isla markaana aaysan isoo sheegin madaxda isoo maga caawday, sidookale waxaan halkaan ku beeninayaa wararka been abuurka ah oo la leeyahay gudomiyaha ciidamo taabacsan ayaa lawareegay dagmada, waxaan aamin sanahay nidaamka dowladnimo oo aan shalay ku imid isla nidaamkas aan ku baxo una hogaan Samo nidaamka dowladnimo”ayuu yiri C/casiis (Duurow).
Dhinaca kale xilka qaadista Guddoomiyaha Buulo-burte iyo Duqa Magaalada ayaa salka ku heysa kadib markii ay diideen in laga dhiso golaha deegaanka degmadaas iyagoo sheegay in marka hore la dhiso golaha deegaanka degmada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Si kastaba Wareegto xalay ka soo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Degmada Buulo-burte iyo Duqa Magaalada,waxaana xilka Guddoomiyaha si KMG ah loogu magacaabay Liibaan Cabdi Nuur oo ahaa Mas’uul ka tirsan Degmadaas.