Maamulka Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa faah-faahin ka bixiyay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay gudaha degmdaas,kaasi oo ahaa Miino dhulka lagu aasay.
Guddoomiyaha Degmada Buulo-Burte Cabdicasiis Cabdullaahi Doorow oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay รย in qaraxaas lagu aasay Maqaayad yar oo ku taalla Suuq lagu iibiyo xoolaha.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Doorow รย in qaraxa uu Khasaaro ka soo gaaray Afar ruux oo laba kamid ah ay yihiin Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo xiliga uu qaraxu dhacaayay ku sugnaa goobta.
Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Buulo-Burte ee Gobolka hiiraan ayaa waxaa uu tilmaamay xaalada Caafimaad ee shacabka iyo Askara ay tahay mid wanaagsan,isla markaana lagu dabiibayo Isbitaalka guud ee degmdaas.
Dhinaca kale Cabdicasiis Cabdullaahi Doolow ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga Degmada Buulo-burte ay sameeyeen howlgalo kala duwan,iyagoo kusoo qabtay qabtay dad u badan dhalinyaro,kuwaasi oo qaarkood xabsiga la dhigay.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte.