Kulankii golaha wasiirada ee uu shir guddoominayay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga cadaaladda iyo dagaalka ka dhanka ah Alshababa.
Kulanka inta uu socda waxaa warbixino looga dhageystay wasiirada Arrimaha gudaha iyo amniga waxaana la faray dhamaan dadka reer Koonfur Galbeed in aan la aqbali Karin shirar uusan ka war heyn maamulka in lagu qabto degaanadeeda.
Dhinaca kalana waxa ay soo dhaweeyeen dadaalada ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee ka dhanka ah dagaalka Alshabaab gaar ahaana Sh/hoose oo ciidamada lagu amaanay guulihii ay ka soo hooyeen.
Halkaan Ka Dhageyso Codka