War qoraal ah oo kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta maamulk cusub loogu magacaabay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Maxamed Abuukar Cabdi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay maamulkaas cusub magaalada waxaana uu faray in ay gutaan waajibaadkooda shaqo.
Wasiirka ayaa Guddoomiyaha degmada Baydhabo u magacaabay Xasan Macalin Axmed isaga oo guddoomiye ku-xigeenka  Amniga iyo Siyaasadda Maaliyada iyo Xoghayaha u magacaabay magaalada Baydhabo.
Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Magacaabida