Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa uu ku soo bandhigayay bug uu qoray oo ka hadlaya caqabadihii uu la kulmay intii uu ahaa madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaarihii Somalia.
C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in sanadkii 2012-kii uu xafiiskiisa ugu ymid isaga oo Ra’iisul Wasaare ah Xasan Sheikh Maxamuud oo markaas ahaa musharax madaxweyne isla markaana ay kala qabsatay qiso layaab leh.
Markii uu qaabilay Xubnaha uu ka mid yahay Xasan Sheikh iyo C/kariin Guuleed ayuu sheegay in Xasan uu ka codsaday in uu u tanaasulo si uu fursad ugu helo ku guulaysahsda madaxtinimada hase’ahaate waxa uu sheegay in uu aad ula yaabay sida uu ugu dheeraday in uu xafiiskiisa ugu yimaado isaga oo shacab ah codsanayana in uu u tanaasulo Ra’iisul Wasare.
Halkaan Ka Dhageyso Codka C/weli Maxamed Cali Gaas