Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa markii uu gaaray Musharax Qoorqoor waxaa ksuoo dhaweeyay Boqlaal shacab ah iyo Mas’uuliyiin ku sugan halkaas,waxaana safarkiisa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Musharax Qoorqoor ayaa goob fagaallo ah ku taalla halkaas kula hadlay dadweyne farabadan oo kamid ah taageeryaashiisa,isagoo ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay,waxaana isla goobta Caruur ay ku guddoonsiiyeen Ubax.
Sidoo kale Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Madaxda dowladda Soomaaliya,Ahlusunna iyo Guddiga Shirkii dib u heshiisiinta Galmudug uga mahadceliyay dadaalka ay bixiyeen sidii dib u heshiisiin loogu sameeyn lahaa beelaha Galmudug,isla markaana loo dhisi lahaa Galmudug oo loo dhan yahay.
Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ah Musharax ay taageersan yihiin Madaxda dowladda Federaalka ayaa ballan qaaday hadii la doorto inuu ku shaqeyn doono siyaad degan oo la shaqeyn karta dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay kusii qul-qulayay Misharaxii badan oo u taagan qabasha xilka Madaxweynaha Galmudug,waxaana la filayaa in halkaas ay ka dhacdo Doorashada Galmudug.