Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xasan Xaaji Axmed Darafeey ayaa dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka degmdaas oo dhawaan la doortay.
Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Degmada Warsheekh oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Guddoomiye Darafeey ay xabad kaga fakatay Xildhibaan Xasan Cali Nuur oo loo yaqaano Makaraan xili uu siinayay tababar ku aadan sida loo rido Bastoolad.
Intaasi kadib Xildhibaan Makaraan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudur,waxaana xabada ay uga dhacday gacanta bixi,iyadoo dhaawaciisa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho oo la dhigay Isbitaalka Keesaney.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in xaalada Caafimaad ee Xildhibaan Xasan Cali Nuur ay tahay mid aad u wanaagsan,isla markaana ay ka soo hagaageyso sidii marka hore ay aheyd.
Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Warsheekh Xasan Xaaji Axmed Darafeer ayaa waxaa la soo doortay Bishii la soo dhaafay ee Agoosto,waxaana doortay Golaha deegaanka Degamdaas.