Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta kormeer ku tegay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intii ku sugnaa Xarunta Wasaaradda waxaa uu ka qeyb galay Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya oo ka socday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Magaalada Addis Ababa ku soo gaba-gaboobay,kaasi oo looga hadlay dib u eegista SMP4.
“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an fulinta iyo hore u sii wadida wax walbo oo lagu gaarayo cafinta deymaha lagu lee yahay Soomaaliyaâ€ayuu yiri Wasiir Beyle.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta iyo howl wadeennada Wasaaradda,isla markaana waxaa Warbixin uu ka dhageystay Masuuliyiinta Wwasaaradda Maaliyadda Xukuumadda.