Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa xalay kulan la qaatay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid Casho Sharaf ayaa Guddoomiye Cumar iyo Xildhibaanada isaga xog-wareysteen arrimo kala duwan oo qeyb ah tahay sidii ay wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Xildhibaanada iyo maamulka Gobolka.
Sidoo kale inta uu socday ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo soo jeediyay Tallooyin ku aadan dhanka amniga Caasimadda iyo sida loo furi karo Waddooyinka xiran ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada la kulmay Duqa Muqdisho ayaa waxaa ku jiray qaar kamid ah kuwa Mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya sida lagu arkay Sawirro laga soo qaaday kulanka.
Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Xildhibaanada ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka ee uu la kulmay ka codsaday inay kala shaqeyaan arrimaha amniga iyo horumarka Caasimadda.