Kulan lagu soo dhawenayey wafdigan heerka caalami ee uu hoggaaminayey Dr.Axmed Al-Mandhari oo ah Agaasimaha xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, dhaqaatiir, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.
Dr. Axmed Al-Mandhari oo u dhashay dalka Cuman ayaa ka mahadnaqay sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyay,wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan dib u habeynta iyo horumarinta caafimaadka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadu Drs Fowziyo Abiikar Nuur oo uu wehliyo wasiir kuxigeenka wasaaradaasi ayaa Dr. Axmed Al-Mandhari ku amaantay booqashada uu ku yimid Magaalada Muqdisho,Waxayna tilmaamtay in ay iska kaashan doonaan horumarinta hanaanka caafimaadka iyo hiigsiga hirgelinta Caafimaadka Loo dhanyahay.
Wasaaradda Caafimaadka oo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka iyo hay’adaha kale ayaa maalmaha soo socda dhaqan-gelin doonta hiigsiyo cusub oo khuseeya caafimaadka,kuwaas oo la gaarsiin doono dalka oo dhan.