Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Qarax lagula eegtay Kolonyo ΓΒ ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Ciidanka AMISOM uu ahaa miino nooca dhulka aaso ah,isla makaana lagula eegtay deegaan lagu magacaabo Garas-Deelle oo ku yaalla inta u dhexeysa Magaalada Jowhar iyo Muqdisho.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in qaraxas uu ka soo gaaray Ciidanka AMISOM,isla markaana waxaa qaraxa looga gubay mid kamid ah gaadiidii ay wateen.
Weerarka ka dhacay deegaanka Garas-Deelle ee duleedka Balcad ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo shalay tuulada Gololey qarax miino lagula eegtay gaari ay la socdeen MasΓ’β¬β’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle,kuwaasi ku geeriyooday qaraxa.
Wadada u dhexeysa Magaalada Jowhar iyoΓΒ Degamda Balcad ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro isugu jiray qaraxyo iyo miod toos ah oo lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, Saraakiil Ciidan,waxaana MasΓ’β¬β’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.