Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Shir Gudoomiyay Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir kaas oo ay isugu yimaadaan Maamulka Gobolka iyo Maamulada degmooyinka waxaana Looga Hadlay waxyaabihii u Qabsoomay iyo Sidoo kale sidii loo fulin lahaa waxii aan Qabsoomin ee la Xariira Horumarinta Caasimadda.
Shirkani ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay dhowr ajando oo ay kamid ahaayeen Sugida amniga Magaalada, Dardargalinta Barnaamijyada Lagu Xoojinayo Bilic Soo Celinta Caasimadda, Canshuuraha iyo isdhaxgalka Bulshada.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa kula Dardaarmay faray Madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir in si Wadajir ah looga Qeyb Qaato Howlaha kala duwan ee lagu Horumarinaayo Gobolka Banaadir.