Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan ayaa waxa ay ka qeyb galeen furitaanka Bandhiga iyo Shirweynaha Isgaarsiinta ee Caalamiga ah (ITU Telecom World), Bandhigan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ay iskugu yimaadaan qeybaha kala duwan ee Isgaarsiinta iyo dowladdaha ayaa ka dhacaya 9- 12 Bishan September Magaalada Budapest ee Dalka Hungary.
Munaasabada Furitaanka shirweynahan ayaa waxaa ka sooo qeybgalay Xoghayaha Guud ee Midawga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) Mudane Houlin Zhao iyo RaΓ’β¬β’isul Wasaraha dalka Hungary.
Xubnaha Wafdiga Wasiirka oo uu ku Jiro Maareeyaha HayΓ’β¬β’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa waxa ay inta uu socdo bandhiga iyo Shirweynahan kula yeelan doonaan shirar doceedyo Dowladdo, Shirkadaha Tiknolojiyadda iyo quburo ku tashustay qeybaha kala duwan ee Isgaarsiinta kuwaas oo ay kala hadli doonaan fursadaha iyo mowduucyada sida gaar ah danaynta ugu leh dalkeena.