Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kulanka ku yeeshay Saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalkq iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti ee Hiil Walaal ee ku sugan Baladweyne.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Xaaladaha ami ee maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Qorshaha Howlgalada lagu xoraynayo Deeganada Al-shabaab ay ka joogaan Galmudug.
Saraakiil Sare oo ka tirsan Qaybta 21aad oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis Cabdullaahi Qooje,isla markaana ay wehlinayaan Taliyaha Guutada 13aad G/Le Craxmaan Moalim “Timadheere” , Taliyaha Guutada 15aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee DanabΓΒ G/Le Muqtaar Abdulle ayaa saraakiisha AMISOM ee Jabuuti kaga Warbixiyay Ujeedada socdaalkoodkaΓΒ iyo Howsha ciidanka qaybta 21aad ay ka wadaan Deegaanada Galmudug ee Bilaawga u ah Qorshaha Dagaal ee lagu wajahayo Deeganada A-lshabaab ay joogaan
G/le sare C/Raxmaan Riyaale Xareed taliyaha shanaad ee hiil walaal ayaa Boqashada saraakiisha 21aad ee baladweyn ku tilmaamey arrin Bilaaw u ah isku xirka Ciidanka iyo ka abaal gudida soo dhoweyntii 21aad ey u sameysay ciidanka jabuuti ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb.
Taliyaha qaybta 21aad general cabdicasiis claahi “qooje” ayaa ka waramay Ahmiyada kulankan iyo Howlaha ay ka wadaan Magaalada Baladweyne ay ka wadaan.
Ciidamadan ayaa Qayb ka Noqonaya Howlgal balaaran oo Dhawaan lagu wajahayo Deeganada Al-shabaab kaga sugan yihiiin deegaanada Galmudug Iyo Hirshabeelle.