Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta soo gaba-gabeeyay socdaalkii halkas uu joogay.
Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali ayaa Garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareb ka sagootiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay oo halkaas ku sugnaa.
Xasan Cali Kheyre inta uu sugnaa Dhuusamareeb ayaa waxaa uu daahfuray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo looga tashanayo dhismaha Galmudug Cusub oo loo dhan yahay.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intii halkaas uu joogay isugu keenay beelo muddo saddex sanno ah ay u dhexeeysay Colaad,kuwaasi oo ka soo kala jeeda deegaanada Huurshe iyo Xeeraale,isla markaana heshiis nabadeed kala dhex dhigay.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay socdaalka ku gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud,isagoo Dhagax dhigay dhismayaal cusub oo ay yeelanayso Jaamacadda Ummadda qeybteeda Caabuudwaaq,kuwaasi ah Saddex dabaq, oo kooban 36 Fasal, Maktabad iyo Hool shirarka lagu qabto.
Ugu dambeyntii Kheyre ayaa isla shalay gaaray gaaray magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud,si uu u hubiyo dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee reer Huurshe iyo reer Xeraale ay ku wada saxiixdeen magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.