Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Caawa waxaa si rasmi ah uga furmay shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug.
Hoolka uu Shirko ka socda ayaa waxaa ku sugan dhammaan Ergooyinka kala duwan eek a qeyb galeysa Shirka iyo iyo Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ku sugan goobta uu ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi loogu gogol xaarayo dhismaha Galmdugu loo dhanyahay.
Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Caawa siweyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda ee loo yaqaano harmacad iyo kuwa AMISOM oo dhawaan halkaas la geeyay.