XisbigaΓΒ Midowga Nabadda & Horumarka ee Guddoomiyaha uu ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray cayaartooyda iyo macalimiinta xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Caawa taariikh ka dhigay isreeb-reebka koobka aduunka 2022,kadib markii ay afka ciida ugu dareen xulka Zimbabwe.
Γ’β¬ΕGeesiyaasha The Ocean Stars waxay muujiyeen in ay Soomaaliya weli nooshahay, ayna awood u leedahay in ay Kubadda Cagta ku garaacdo xulal cayaaraha Africa looga baqoΓ’β¬Βayuu lagu yiri War ka soo baxay Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka.
Sidoo kale Warka ka soo baxay Xisbiga UPD ayaa waxaa lagu sheegay inayΓΒ garab taagan yihiin xulka qaranka dalka Soomaaliya,isla markaana mar kale guul uga rajeyneyn Qaranka in ay ka helaan xulka Zimbabwe oo is aragga labaad ay Axada leeyihiin.
Xulka Qaranka kubada Cagta ee dalka Soomaaliya ayaa 1 iyo 0 kaga Adkaaday Xulka Qaranka Zimbabwe Ciyaar ka tirsaneyd isreeb reebka Koobka Aduunka ee 2022 lagu qaban doono Wadanka Qadar