Wararka Idaacada dalsan ay ka helayso degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in goor dhow halkaas uu ka dhacay qarax geystay khasaaro is kugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ka dhashay Miino nooca dhulka lagu aasa ah oo ku qaraxday dhowr qof oo geedo ka guray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Dadka goobjoogayasha ah ee la halay dalsan ayaa sheegay in ay qaraxday Miino lagu aasay geed hoostiisa taas oo ay sheegeen in ay ku geeriyoodeen ugu yaraan Laba ruux tiro kalana ay dhaawacyo ka soo gareen.