Kadib markii dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Mashruuc looga magac daray Eng. Yariisow oo lagu dhisayo Waddooyinka Muqdisho iyo Bebera ku kala saxiixdeen Muqdisho,ayaa waxaa heshiiskaas ka horyimid maamulka Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn inay mashaariic ka fuliso deegaanada Somaliland.
Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in Midawga YurubΓΒ iyo iyaga ay muddo badan ka wada shaqeynayeen dhameystirka Mashruuc qeyb kamid ah qankaraaska Midawga Yurub ugu talagashay Afrika.
Warka ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland oo ahaa mid aad u dheer ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qodobo kale.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan Wasaarada qorsheysan Xukuumadda Soomaaliya iyo Midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, si wadajir ah ugu saxiixdeen heshiis ah 23 Milyan Yuuro oo midawga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.
Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose.
Hoos AkhrisoΓΒ War-saxaafadeedka ka soo baxay Somaliland.