Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,kadib markii safar shaqo dalka uga maqnaa gaar ahaan dalka Jabuuti.
Garoonka diyaaradaha Caalimaga ee Aadan Cabdulle Cusman ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa kusoo dhaweeyay Senataro ka tirsan Aqalka Sare ee dalka iyo Mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa faahfaahin ka bixyey kulamo uu la qaatay Guddomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka,isaga oo soo hadal qaaday wada shaqeeynta labada Golle maadama ay horyalaan howlo badan iyo xal horay looga gaaray khilaafka labada golle.
Sidoo kale inta uu ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa waxaa kulamo la qaatay Guddomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele.