Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa xalay waxaa uu hoyga Muqdisho ay ka degan yihiin ku booqday Qoyska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.
Guddoomiye Finish ayaa waxaa uu xaaska iyo Caruurta Marxuum Eng. Yariisow siwadajir ah uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir,kaasi oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxii 24-kii July ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka.
Sidoo kale Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa uu tilmaamay in Qoyska Marxuum Eng. Yariisow ay u soo jeediyeen dar daaran culus kaas, oo ahaa in ay muhiim tahay in hadafyadii uu Caasimadda kalahaa Guddoomiyihii Gobolka uu  hergaliyo,isagoo  balan qaaday in uu fulin doono arrintaas.
“Xaaska iyo Caruurta Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaana siwadajir ah waxaan uga tacsiyeeyay geeridii kutimid aabahood ahaana gudoomiyihii gobalka Eng Yariisoow. waxay isoo jeediyeen dar daaran culus kaas oo ay sheegeen in ay muhiim tahay in hadafyadii uu caasimadda kalahaa abahood aan hergaliyo wana kabalan qaaday in aan dabaqi doono insha allahâ€ayuu yiri Duqa Cusub ee Muqdisho.
Si kastaba Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cumar Maxamuud Maxamed Finish u magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,kadib markii uu geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow