Wasiirka Amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale oo socdaal ku tegay magaalada Guriceel ayaa booqday xerada Har-qaboobe ee tababarku uga socdo ciidamada xoogga dalka ee loo diyaarinayo xoreynta deegaannada Galmudug ay uga sugan yihiin Al-shabaab.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo saraakiisha ciidanka ka xog wareystay xaaladda ciidanka tababarka ku jira iyo sida ay u socdaan howlaha ciidamada loogu diyaarinayo Al-shabaab iyo soo celinta sharafta Soomaaliyeed, ayaa ciidanka u jeediyay dardaaran
Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad oo wasiirka Amniga gudaha uga warbixiyay sida uu u socdo tababarka, ayaa sheegay in ay ciidanku u diyaarsanyihiin gudashada waajibaadka ka saaran Galmudug iyo guud ahaan ilaalinta qarannimadda.
Mudane Maxamed Abuukar oo saraakiisha ciimadama tababareysa u mahadceliyay, ayaa ciidanka u rajeeyay in ay ku guuleystaan ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.
Ciidanka lagu tababarayo xerada Har-qaboobe ayaa qayb ka ah ciidamada taliska qaybta 21-aad ee loo diyaarinayo xoreynta guud ahaan deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug si loo hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed loona gaarsiiyo adeegyada bulsho ee xaqa ay u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.