Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Xoogan sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo xalay Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gudaha Degmada Qoryooley,waxaana intaasi kadib dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada iyo shabaabkii weerarka soo qaaday.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in weerarkii uga yimid shabaab ay iska difaaceen,isla markaana ay u geysteen Khasaaro waa sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay dagaalka uga dileen 4 dagaalyhano oo ka tirsan,halka dhankooda uu uga dhaawacmay hal askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda.
Isaga oo sii hadlaayay Cali Waal ayuu tilmaamay in qof shacab ahaa oo ku sugnaa gudaha Degmada Qoryooley ay rasaas ku dhacday uuna u geeriyooday.
Inta badan dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weeraro kala duwan ku qaada Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOMÂ ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ka dhasha Khasaarooyin kala duwan.
 Hoos ka Dhageyso Codka.