Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta lagu soo gaga-gabeeyay Doorashada Golaha deegaanka Degmadaas,taasi oo maalintii shalay Bilaabatay halkaas.
Doorashada ayaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulkaas, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle
Xubnaha Cusub ee Golaha deegaanka Warsheekh ayaa kooban 21-ka Xubnood,kuwaasi oo dhawaan soo dooran doona Guddoomiyaha Degmada Warsheekh iyo ku-xigeenadiisa.
Sidoo kale xubnhaas ayaa Maanta waxaa lagu dhaarisyay hoolka lagu qabtay Doorashadooda,waxaaan goobjoog ka ahaa MasΓ’β¬β’uuliyiin sare oo ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Ammaanka guud ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanayay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.