Maxkamadda Degmadda Rice County ee Gobalka Minnesota ayaa la soo taagay LaboΓΒ Muwaadin Maraykan lagu kala magacaabo Abdulkadir Ali Adan iyo Salman Jimale Dahir, kuwaasi oo deggan Xaafadda Faribault ee dEgmadda Rice County.
Labada Eedeysane ayaa lagu soo oogay dembi ku adaan Isku-day dhac fudud, kadib, markii ay magaalladda bartankeeda ku baarteen nin Maraykan ah.
Qoraal uu Dhibanaha u gudbiyey Boliska ayuu ku sheegay inay Labada Eedeysane oo uu wehliyey nin kale oo caddaan ah ay jeebkiisa baarteen, kadibna ay kala baxsaden xoogaa lacago ah.
Boliska waxay sheegeen inay Eedeysanaha Salman Jimale Dahir ΓΒ inay ku sameeyeen baaritaan, kuna ogaadeen inuu sarqaansanaa, waxayna neeftiisa muujisay inuu alkolka ku jira dhigiisa gaaraysoΓΒ heerka .086
Dhinaca kale, Eedeysanayaasha ayaa la filayaa in ay mar kale ka soo hor muuqdaan Maxkamadda bisha soo socota ee September 2-da, waxayna muteysan karaan Xabsi min 5 sanno ah iyo ganaax dhan 1,000 Dollar, amaba ΓΒ la isugu dari doono xabsiga iyo ganaaxa.
ΓΒ© Radio Dalsan