Wasiirka Waxbarashadda iyoTacliinta Sare ee Dowladda Federalka รย Somalia, Marwo Khadra Bashiir Cali ayaa kulan la qaadatay Madaxa Jaamacadda Islaamiga ee Alazhar ee dalka Masar, Dr. Ahmed Aldayib oo ay u gudbisay Dhamaal salaam ahรย oo uu Madaxweyneรย Xasanรย Sheekhรย Maxamuud u diray Dr. Ahmed Aldayib oo ahรย Masรขโฌโขuulka ugu sarreeya Jaamacadda Al-azhar.
Kulanka Shiikha Jaamacadda Al-azhar iyo Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somalia ayaa waxa uu shalay ka dhacay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxayna ka wada hadleen sidii loo soo nooleyn lahaa Xiriirka Jaamacadda Alazhar iyo Wasaaradda Waxbarashadda ee Somalia.
Sheekh Axmed Al-dayib waxa uu sheegayinaydiyaar u yihiin inay Walaalaha Soomaalida siiyaan taageero dhinac kasta, wuxuuna ballanqaaday in la kordhinayo tiradda Deeqaha Waxbarasho (Minxadda) ee Jaamacadda Alazhar u fidiyaan ArdaydaSoomaalida.
Waxa kaloo uu sheegay in la kordhin doono tiradda Macallimiinta Alazhar ee ka hawlgala Machadyadda Wxabarashadda ee Somalia, si ArdaydaSoomaalida loo baro Fikradaha Saxiixa eeIslaamka, lagana hortago Fikradaha Xag-jirnimadda.
Dhinaca kale, Wasiirka Waxbarashadda iyoTacliinta Sare ee Somalia, Marwo Khadro Bashiir Cali oo ka hadashay Qaabilaadaasi ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay la kulanto MadaxaJ aamacadda Al-axhar, Dr. AxmedAldayib oo ay ku tilmaamtay inuu yahay Shaqsiga ugu weyn ee CalaamkaIslaamka.
Waxay kaloo sheegtay in Kulankaasi looga hadlay Hagaajinta Iskaashiga ee dhibnaca Waxbarashadda ee Jaamacadda Alazhar iyo Somalia. Iyo Kaalinta muhiimka ee Jaamacadda Alazharee Manaahijta wanaagsan ee ka soo horjeeda AfkaartaXag-jirnimadda, waa sida ay hadalka u tiri.
Dhinaca kale, Macallimiinta Masaarida ayaa waxay wax ka dhigi jireen Machadyadda Waxbarashadda Diiniga ee Somalia, waxaana Macaahadyadaasi iyo Jaamacadda Alazhar ka soo qalin jebiyey Aqoonyahanno badan oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan Masรขโฌโขuuliyiin ka tirsan Hayรขโฌโขaddaha Arrimaha diinta iyo Garsoorka ee Golayaasha Dowladda Federalka รย Somalia.