Hadal-qoraal oo ay si wadajir ah u soo saareen Ergadda Ururka Midowga Europe ee EU-da u joogta Somalia waxay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay Somalia u noqon lahayd dal deggan, Dimuqraadi ah, Barwaaqna ah Mustaqbalka, kana macaashaan dadkooda.
Ergadda EU-da ee joogta Somalia waxay kaloo sheegeen inay meel adag ka tagaan yihiin kuwa beegsada Muwaadiniinta iyo Hay’addaha, si ay u wiiqaan Deganaanshaha iyo horumarka ka socda Somalia, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale, Midowga Europe waxay sheegeen inay si tiiraanyo leh Tacsi ugu dirayaan Qoysaska ay dadkooda ku geeriyoodeen weerarkii ka dhacay Kismaayo, waxayna caafimaad u rajeeyeen kuwii ku dhaawacmay.
Ergada EU-da ee joogta Somalia ee soo saaray Qoraalkaasi waxay kala yihiin: Madaxda Hawlgalladda EU-da ee Somalia, Wakiilka Khaaska ee ERU-da ee Geeska Afrika, Hawlagalladda Guud ee Ammaanka iyo Difaaca MEU-da ee Ciiddanka Badda EU-da ee ku sugan Xeebaha Somalia ee loo yaqaano EUNAVFOR, Hawlgalka Tababaradda EU-da ee Ciiddanka Dowladda Somalia ee EUTM iyo Hawlgalka Xoojinta Awoodaha Badda ee EUCAP.