Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu waday in Wasiir Cawad uu Shir Jaraa’id ku qabto,hayeeshee waa uu baaqday.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Xarunta Wasaaradda ka socotay qabanqaabada Shirkaas,waxaana halkaas looga yeeray Wariyeyaasha ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho iyo kuwa Caalami ah ee dibadda ee ku sugan dalka si ay u tebiyaan Shirka.
Weli la shaacin sababta uu u baaqay Shirkii Jaraa’id ee uu qaban lahaa Axmed Ciise Cawad 2:00 PM (Duhurnimo) ee Maanta.
Sidoo kale ilaa iyo hada lama oga waxyaabaha uu uga hadli lahaa Shirka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.