Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaano dhaca Gobolka Jubadda Hoose.
Howlgalka Ciidamada ayaa intii uu socday waxaa ay Al-shabaab kala waxaa lagala wareegay deegaano dhowr oo ku yaalla waqooyiga Gobolka Jubbada Hoose,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Deegaanada Al-shabaab laga qabsay ayaa waxaa kamid ah Araare, Balad-Raxma iyo Kobon oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose,isla markaana waxaa halkaasi Saldhigyo ku lahaa Shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdnuur Ibraahim Xuseen oo howlgalka qayb ka ahaa oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in 8 katirsan Al-shabaab lagu dilay iska hor imaad ka dhacay deegaanka Kobon.
Sidoo kale labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray miino lagu aasay waddada,kadib markii ay kala fur-furaayeen,hayeeshee ay ku qaraxday.
Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgal ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose,halkaasi oo ku sugan yihiin Al-shabaab.