Isbahaysiga Milliteriga ee Sacuudiga ayaa sheegay inuu hal qof oo u dhashay dalka Syria ku geeriyooday, dhowr kalena ku dhaawacmeen Diyaaarad Daroon oo ay lahaayeen Xuutiyiinta oo shalay duqeysay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Koonfurta dalkaasi.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA oo soo xigatay qoraal ka soo baxay Isbahaysiga ayey ku sheegtay inuu qof u dhashay dalka Syria ku geeriyooday duqeyntaasi, halka ay 7 kalena ku dhaawacmeen.
Telefishinka Alarabiya ee ay Dowladda Sacuudiga leedahay ayaa baahiyey in Diyaarad Daroon oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku habsatay Barxadda gaadiidka la dhigto ee Garoonka Abha oo 200 KM dhanka Waqooyi kaga toosan Xuduudka Yemen.
Dhinaca kale, Telefishinka Almasiirah ee ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta leeyihiin ayaa sheegay inay Laba Daroon ku weerareen Garoomadda Diyaaradaha ee magaallooyinka Abha iyo Jizaan ee dalka Sacuudiga, kuna burburiyeen dhowr Diyaarad.
Bilowgii bishan, Gantaal ay Xuutiyiinta la beegsadeen isla Garoonka magaalladda Abxa waxaa ku dhaawacantay 26 qof oo ay ku jireen carruur iyo haween.