Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa ku wajahan Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdiga ayaa isugu jira Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo qaar kamid aha Golaha Wasiirada,kuwaasi oo saacadaha soo socda halkaas gaari doona.
Xildhibaanada Maanta ku wajahan Magaalada Cadaado ayaa waxaa kamid ah  Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Xildhibaan Abtidoon yare, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, Sanatar Abshir Bukhaari iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada.
Ujeedka wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ay u tegayaan Cadaado ayaa waxaa ay tahay sidii loo xalin lahaa Khilaafka ka dhex jira Madaxda sare ee maamulka Galmudug iyo arrimo kale oo la xiriira dhanka Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo haatan ku sugan deegaanka Godinlabe uu isna safarka dhulka ku tegi doono Magaalada Cadaado,isla markaana waxaa si weyn halkaas looga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweeynta Madaxweyne Xaaf.