12 carruur oo u dhalatay Faransiiska iyo 2 u dhalatay Holland oo la sheegay inay Waalidkooda ahaayeen Dagaalamayaasha Daacish ayaa maanta laga duuliyey Maamul-gobaleedka Kurdishka ee W/bari ee dalka Syria, kuwaasi oo dib loogu celiyey dalalkooda hooyo.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Diyaarad ay la socdeen Carruurtaasi ka degtay Garoon Milliteri oo ku yaalla meel ku dhow caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, halkaasi oo Saraakiisha Holland la filayo inuu Muwaadiniintooda kula wareegaan.
Carruurtaasi ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo aad u liita, iyadoo 250 kalena la rumeysan yahay in weli lagu hayo qeybo kala duwan oo ku yaalla gudaha dalka Syria.
Dhinaca kale, Maamulayaasha Kurdishka dalka Syria waxay isbuucii hore dib ugu celiyeen Maraykanka 2 haween oo Maraykan oo ka tirsanaa Kooxda Daacish iyo 6 carruur oo ay dhaleen.