14 Kenyan ayaa la xaqiijiyey inay ka mid yihiin Shaqaalaha shisheeyaha ee la socda Doonidii Kalluumeysiga ee dhawaan ku soo caarisay Xeebta Degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal.
Hadal ka soo baxay Madaxa Hay’adda La-talinta iyo Taakuleynta Maraakiibta ee Kenya, Andrew Mwangura ayaa sheegay inay shaqaalahaasi qeyb ka ahaayeen Doonida Amal ee ku caarisay Xeebta Degmadda Eyl.
Andrew Mwangura ayaa sheegay in doonidaasi oo wadatay calanka dalka Waqooyiga Kuurya  ay la socdeen 34 shaqaale oo 14 ka mid yihiin Kenyan ka soo jeeda Deegaanka Likoni ee duleedka Mombasa.
Waxa uu intaasi ku daray inay shaqaalaha kale ee lasocday Doonidaasi Kalluumeysi kala yihiin:- 12 u dhalatay dalka Indonesia, 6 u dhalatay dalka Vietname, 2 Yemeni iyo ilaalo Somai ah.
Waxa uu sheegay inay Doonida ku sii jeeda Mombasa,kana timid Yemen, ja hor intaysan cillad farsamo kuqabsanin Badda, kadibna ku so ocaarisay Xeebta Degmadda Eyl.
Â
© Radio Dalsan