Doonidaasi oo ay la socdeen ilaa 700 oo Tahriibayaal ah ayaa ku degtay Badda Mediterranean sea, meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya.
Hadal ka soo baxay Hay’adda UNHCR iyo Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa lagu sheegay in la badbaadiyey ku-dhawaad 400 Tahriibayaal, waxaana la soo saaray Labaatameeyo mayd oo ka mid ah Boqolaalka ku geeriyootay doonidaasi oo nooceedu ahaa kuwa lagu kalluumeysto.
Afhayeenka Hay’adda UNHCR, Fedrico Fossi ayaa sheegay inay doonidaasi degtay, xilli uu Markab gurmad ahu dhawaaday doonida, waxaana la sheegay inay Doonida hal dhinac u liicday, kadib, markii ay dadka is-buurteen.
Taliye ka tirsan Ciiddanka Badda ee dalka Ireland ayaa u sheegay Telefishinka RTE inay cabsidooda ugu xun ahayd, kadib, markii ay doonida degtay, iyagoo indhaha ku haya,si ay ugu gurmadaan.
Markab ay leeyihiin Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF oo ku sugnaa halka ay Doonida ku degtay ayaa rumeysna inay doonidaasi la socdeen ku-dhawaad 700 oo qof.
Gurmadka lagu badbaadinayey Tahriibayaasha oo ilaa iyo xalay socday ayaa waxaa ka qeyb galay Maraakiib ka kala socday dalalka Talyaaniga iyo Ireland.