Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Kismaayo ee Caasimada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu fashiliyay qarax miino ahaa.
Ciidamada ilaalada u ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Musharaxiinta u tartameysa qabashada xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa la sheegay inay fashiliyeen qaraxaas oo lagu aasay meel ku dhow Guriga uu Kismaayo ka degan yahay Musharaxa.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Ilaalada u ah Xildhibaan Xidig ay arkeen qaraxa lagu aasay meel dhowr Tallaab u jirta Guriga Musharaxa,sidaasina ay ku fashiliyeen.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee ku sugan ee Magaalada Kismaayo.