Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya,kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Sida aan wararka ku heleyno dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen Saldhiga Al-shabaab ay ku lahaayeen duleedka Xudur,isla markaana waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo qaatay in ka badan saacad wallow markii dambe uu istaagay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay Isweedeersanaayen labada dhinac,sidoo kalena uu dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan Gobolka Bakool oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in Al-shabaab ay dagaalka uga dileen 10 dagaale,isla markaana dhankood uu ka dhintay hal askari mid kalena uu dhaawac ka soo gaaray.
Hayeeshee marka laga soo tago sheegasha Ciidanka dowladda inay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya wararkaasi.
Dhawaan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar geystay khasaaro kala duwan xili habeen ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada ay ku leeyihiin Degmada Waajid ee Gobolka Bakool,iyadoona ay xusid mudan tahay in dagaal halkaas uu ka dhacay.