Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa lagu xiray mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkaas iyada oo warar kala duwani ay ka soobaxayaan sababaha loo xiray xildhibaankaas.
Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland ayaa xarigiisu waxa uu yimid kadib markii uu sheegay in 18-may in aysan aheyn maalin qaran hase’ahaatee ay tahay maalin ay leeyihiin ururka SNM intaas kadibna waxaa xabsiga u taxaabay ciidamada Booliiska iyada oo aan xasaanadda laga qaadin.
Waxaa isi soo taraya cambaareynta loo jeedinayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku aadan xarigga xildhibaanka iyo in uu wado caburin,iyada oo saacadaha soo socda xildhibaanka laga yaabo in kiiskiisa loo gudbiyo maxkamad.