Ilo ku dhow Telefishinka ESAT ee fadhigiisa dhexe ku yaallo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegay inay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Ciiddanka Cirka ee Ethiopia ka baxsadeen dalkooda hooyo.
Telefishinka (ESAT) waxa uu sheegay inay tiro ka mid ah Ciiddanka ka hawlgala Xarumaha Ciiddanka Cirka ee Debre Zeyit iyo 14 farsamo-yaqaano iyo tiro Duuliyayaal ah baxsadeen bishii la soo dhaafay.
Ciiddankaasi baxsaday ayaa la rumeysan yihiin inay mar hore ka firxadeen Ethiopia, iyadoo tiro badan la filayo inay ku biireen Mucaaradka ku kacsan Dowladda Ethiopia.
Bilowgii sannadkan Afar Duuliye oo Ethiopian ah oo kaxayn jirey Diyaaradaha Dagaalka ee MIG 23 iyo Helikoptaradda nooca MI 35 ayaa u baxsaday dalka Kenya.
Bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, koox ka kooban 8 Duuliye ayaa u baxsaday dalka Eritrea, iyagoo codsaday magangelyo.
Sidoo kale,Saddex Sarkaal sare oo watay Diyaarad Helikopter ah ayaa isku dhiibay Maamulayaasha dalka Eritrea.
Sannadkii 2005-tii, 7 Duuliye Ciiddanka Cirka Ethiopia oo tababar ku soo qaatay Israel ayaa isku dhiibay Safaaradda Eritrea ku leedahay Israel.