Hoggaaamiyayaasha dalal ka tirsan Ururka Midowga Afrika waxay maanta Shirweyne Hal Maalin ah ku yeesheen Qasriga Madaxtooyadda Masar ee Al-itixaadiyah oo ku yaalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira.
Kulankaasi waxay Madaxda aad ugu lafa-gureen xal-u-helista Arrimaha dalalka Sudan iyo Libiya, waxayna isku raaceen in la dedejiyo dib-u-soo-celinta Nidaamka Dastuuriga, lana dhamaystiro Hawlaha lagu soo celinayo Dimuqraadiyadda dalkaasi.
Madaxweynaha Masar, ahna Guddoomiyaha Xilligan ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Al-sisi oo ka hadlay gebagebadii Shirkaasi
Waxa uu bogaadiyey dhamaan Shacabka Suudaan sida nabad ah ay ku muujiyeen Rabitaankooda, wuxuuna ku baaqay in la dhowro Madax-bannaanida dhuleed ee dalkaasi, lagana hortago inay qas-wadayaal u gdubaan dalkaasi.
Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Masar, Basaam Radai oo soo saaray hadal-qoraal oo loogu talagalay Suxufiyiinta ayaa sheegay in Shirweynaha looga hadlay Arrinta dalka suudaan muhiim u tahay Masar in la iftiimiyo xaalladda haatan ka jirta dalkaasi.
Hoggaamiyayaasha ka qeyb galay Shirkaasi, waxay bogaadiyey Dadaalka uu Guddoomiyaha Ururka AU-da, Muuse Faki Maxamed ku doonayo xal-u-helista Xiisadda dalka Suudaan.
Muusa Faki Maxamed oo dhawaan booqday dalka Suudaan waxa uu tilmaamay inuu soo arkay kumanaan dadka Suudaan oo Waddooyinka taagan.
Waxa uu tilmaamay inay Golaha Milliteriga ee haya Talada Suudaan ballan qaadeen inay muddo 15 maalmood ah talada ku wareejin doonaan Dowlad Rayid ah.
Ugu dambeyntii Hoggaamiyayaasha Afrika ee maanta kulan ku yeeshay magaalladda Qaahira waxay isk uwaafaqeen in Xilliga loo kordhiyey Xil-wareejinta Golaha Milliteriga haya talada Suudaan oo la gaarsiiyo 3 bilood si loo soo dhiso Dowlad Rayid ah.