Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray wafdi ka socda dowladda Sacuudi Carabiya ,iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga ka socday Sacuudiga ee soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa hogaaminayay Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Ahmed Abdul Aziz Kattan iyo xubno kale,waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Warar ay heleyso Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegay in kulan haatan uu Garoonka Aadan Cadde uga socdo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hogaaminayay Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Ahmed Abdul Aziz Kattan.
Dhinaca kale dalka Sucuudig ayaa waxaa lagu wadaa in Bisha Ramadaan lagu qabto Shir looga hadli doono arrimo ku aadan iskaashiga iyo wax wada qabsiga,kaasi oo u dhexeeya dowladda Sacuudiga iyo dowladaha Afrika.
Booqashada Maanta uu ku soo gaaray Magaalada Muqdisho Ahmed Abdul Aziz Kattan ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka tahay safaro uu ku marayo dalalka Gobolka Geeska Afrika.