Waxaa Maanta Moolaca Sheikh Maxamuud Celi Ee Magaalada Muqdisho Kulan Lagu Qabtay Baaq Nabadeed Loogu Jeedinayay Beelo Walaalo Ah Ee  ku  Dagaalamay Degmooyinka Balcad Iyo Warshiikh Ee Goballada Sh/Dhaxe.
Waxaa Baaqan Si Wada Jira Udiraya Culimada Labada Beelood Ee Wada Dagaan Degmooyinka Warshiikh Iyo Balcada Ee Dhibku Dhexmaray Dhawaantan Waxana Ay Siwadajira Culimada Labada Beelood Ay Ku Baaqeyn La Joojiyo Dagaalada Isla Markaan Gogasha Nabada La Iskugu Yimaado .
Geesta Kale Waxaa Halkaas Kahadlay Shiikh Shariif Shiikh Muxudiin Celi Oo Ka Mid Ah Mashaaiqda Ka Soo Jeedo Gobalka Sh/Dhaxe Waxana Uu Sheegay In Ay In Nasiibdaro Ay Tahay Dhibka Halkaas Kataagan Ee Ay Wadaan Dad Aan Maankooda Iyo Aqligoodu Ku Filnayn,
Colaad Wiil baa Ku Dhinta Ee Wiil Kuma Dhasho Waxaan Odhanlahayn Hala Koco Oo Haloogurmado Beelahaas Walaha Ah .waxaa sidaasi yiri Shiikh Shariif Shiikh Muxudiin Celi,
Hadaba Culumada Saxiixday Baaqan Nabadeed Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa :-
Dr Shiikh Sharfiif Shiikh Muxudiin
Shiikh Muuse Cali Xuseen Maracadde
Shiikh  Cumar Nuur Cumar
Shiikh Cabdiraxmaan Macalin Axmed Shiikh Cabdi
Shiikh C/Rashiid Xuseen Cadde
Khaliif C/Raxmaan Shiikh Cali Shiikh Muuse
Shiikh Nuur Owcumar Absuge
Shiikh Cabdullahi Shiikh Muxudiin Raage
Shiikh Axmadeey Shiikh  Abuukar
Shiikh Jire Shiikh Cali Cabdulle
Shiikh Maxamed Xuseen Macaoow
Macalin Cali Cumar Bulow
Shiikh C/Llahi Macalin Kuulow
Shiikh Daa,Uud Shiikh Maxamuud
Shiikh Xasan Macalin Koofi
Daawo Sawiradda