Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyadda kulanka qado Sharaf ugu Sameeyey Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmaha booqasho ku joogay Muqdisho.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi la socdo ayaa Magaalada Muqdisho ku joogo Booqasho shaqo,iyadoona maalmo kahor soo gaaray.
Kulanka Qado Sharafka ahaa ee Madaxweyne Farmaajo u sameeyay Lafta-gareen Villa Soomaliya wax faah faahin ah lagama bixin waxyaabaha looga hadlay.
Sawirro laga soo qaaday Madaxda ayaa muujinaya in kulan uu dhexmaray,hayeeshee lama shaaciyay qodobada looga hadlay kulankaas.