Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameeyeen Xaafada Suuqa xoolaha ee Degmada Yaaqshiid,isla markaana ku baarayay guryo ku yaalla xaafada howlgalka laga sameeyay.
Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay ku qabteen tiro dhalinyaro ah kuwaas oo ay weeydiinayen Su’aallo dhowr ah,waxaana la sheegay in qaar kamid ah dhalinyarada la siidaayay.
Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinaayo amniga Magaalada Muqdisho sida uu shaaciyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya,isla markaana todobaadyadii dambe uu ahaa howlgalka mid xoogan oo Ciidamada ay sameeynayeen gudaha Magaalada iyo duleedkeedka.