Dowladda Maraykanka waxay siiyeen Ciiddanka Difaaca Kenya (KDF) lacag dhan 9.5 BILLION oo Kenya Shilling, si ay ugu adeegsadaan Hawlgalladda dagaal ee ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab.
Wasaaradda Difaaca ee Kenya ayaa sheegtay inay Dhaqaalahaasi u adeegsan doonaan sidii ay ugu soo iibsan lahaayeen DiyaaradoDagaal, qalab Milliteri, Tababarka Ciiddanka iyo in lagu taageero Milliteriga Kenya ee ku sugan gudaha Somalia iyo Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ku-dhawaad 5.9 BILLION oo Kenya Shilling loogu talagalay Hawlgalka AMISOM oo ay Milliteriga Kenya qeyb ka yihiin.
Wasaaradda Difaaca ee Kenya waxay kaloo sheegtay inay Kaalmadda dhaqaale ee ay Dowladda Maraykanka ka heleen ku soo iibsan doonaan Diyaaradaha Droneska ee lagu dagaalamo iyo kuwa loo adeegsado dhinaca Sirdoonkasi ay u gaaf-wareegaan xuduudka dhulka iyo badda ee ay Kenya la wadaagaan Somalia.
Dukumentiga Kaalmadda Lacageed ee Maraykanka u qoondeeyeen Ammaanka Kenya ayaa waxaa lagu dhawaaqay bishan 21-dii, saddex maalmood ka hor safarkii uu Madaxweynaha Maraykanka ku tegay magaalladda Nairobi.
Dukumentiga waxaa kaloo lagu xusay in ay Milliteriga Kenya heli doonaan lacag dhan 9.5 BILLION oo Kenya Shillings, taasi oo ka baxsan 10 BILLION oo Kenya Shillings oo ay Maraykanka kaalmo ahaan u siiyeen Dowladda Kenya.
 © Radio Dalsan
Â