Boliska magaalladda Mandhera ayaa loo fasaxay inay sii hayaan Nin magaciisa lagu sheegay Mahad Axmed Aadan oo 34-jir ah, laguna tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab.
Garsooraha Maxkamadda Mandherea,Dakun Matay ayaa sheegay in Eedeysanaha la sii hayn karo muddo 5 maalmood, ka hor inta aan Maxkamadda la soo taagin bisha soo socota ee April kowdeeda.
Eedeysnaha waxa uu Maxkamadda u sheegay inuu Kenya u yimid si uu u soo booqdo Qoyskiisa oo deggan magaalladda Mandhera.
Wargeyska The Nation ayaa qoray in Eedeysanaha habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay ay Bolis ilaalo ku jirtay ku qabteen  duleeka magaalladda Mandhera.
Eedeysanaha, Mahad Axmed Aadan oo ah Muwaadin Somali waxa uu haystaa Aqoonsiga Kaarka Muwaadinimadda somalia oo la bixiyey bishii December 3-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii iyo Dukumentiyo kale oo muujinaya cusbooneynsiinta Qandaraas xilli kooban oo uu la soo shaqeeyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Duullimaadka Rayidka ee DFS iyo Warqadda Aqoonsiga ee AMISOM oo uu Turjumaan ahaan kula soo shaqeeyey, kuna taariikheysan bishii Janaayo 20-dii ee sannadkan.
Dhinaca kale, Eedeysanaha oo la hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegay inuu Diyaarad ku yimid Degmadda Dhoolo, ka hor inta uusan gaari ku soo gelin magaalladda Mandhera.