Afartan iyo sideed ruux oo dhaawac ah yaaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.
Dadkan ayaa ku dhaawacmay weerarradii masaajidda lagu qaaday
David Meates oo ka mid ah masuuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay isugu jiraan carruur iyo qaangaar kuwaas oo qaba dhaawacyo rasaas.
Afartan ruux oo Muslimiin ah ayaa lagu dilay masaajiddo sida ay sheegtay Ra’iisulwasaaraha New Zealand.
Qof Australia u dhashay ayaa la sheegay in uu qayb ka ahaa weerarka lagu qaaday masaajidda ku yaalla dalka New Zealand
Ra’iisulwasaaraha Australia ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay dalka New Zealand.
“Waxaan xaqiijin karaa in shaqsiga xabsiga ku jira la ii sheegay in uu Australi u dhashay, sidaas daraadeed Australia ayaa qayb ka ah baaritaanka la wado, dhammaan laamaha ku shuqul lehna baaritaanka wayna sii wadi doonaan” ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha Australia Scott Morrison.
Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa cambaaraysay weerarka lagu qaaday labada maajid.
Dhibaatada loo gaystay dadka cibaadaysanaya ayayna ku tilmaantay “mid ka mid ah taariikhda ugu madaw ee dalka Soo martay.