23 Qaxooti Soomaali ah oo ka soo ambabaxay Xeradda Qaxootiga ee Kaakuma ayaa lagu qabtay Bar Kontorool, xilli ay ku sii jeedeen caasimadda dalkaasi ee Nairobi.
Hadal ka soo baxay Booliska ku sugan Degmadda Kapenguriya ayaa sheegay inay qabteen 23 Qaxooti Soomaali ah , 2 u dhalatay dalka Suudaan iyo 3 dhallinyaro oo aan qaan-gaarin, kuwaasi oo aan dhamaantooda haysanin Dukumentiyadda rasmiga ee ay Waaxda Qaxootiga bixiyaan.
Qabashadda Qaxootiga ayaa la sheegay in Booliska loo soo fara muuqay, xilli ay la socdeen Bas ku sii jeeday magaalladda Nairobi.
Saraakiisha Boliska Kenya waxay sheegeen inay dhici karto inay Qaxootigaasi ka soo baxsadeen Xeradda Kaakuma ama ay si sharci-darro ah ku soo galeen dalka Kenya.
Dhinaca kale, Qaxootigaasi oo lagu xiray Saldhiga Boliska ee Deegaanka Kapenguriya waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la soo maxkamadeeyo, waxaana suurto-gal ah in xukun lagu rido, ama inay bixiyaan Lacag Ganaax, ka hor inta aan loo soo masaafurinin Somalia.