Wararka aanu ka helayno magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo milatari ah ay la wareegeen xarunta uu ku shaqeynayay maamulka magaalada,Ciidankaan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay la wareegeen goobaha muhiimka ah sida Xurnta degmda iyo Saldhiga halkaas oo ay xirteen.
Ciidanka la wareegay magaalada waxaa ka soobaxaya warar kala duwan iyada oo wararka qaarkood ay sheegayaan in ciidamadaan ay ka amar qaataan Gudoomiye ku xigeenka degmada Ismaaciil Sheeikh Axmed oo ka gadoodsan sida la sheegay isbedel lagu sameeyay maamulka.
Warar kale oo ay heleyso Idaacada dalsan ayaa ku waramaya in ciidamadaan oo u badan milatari in ay yihiin kuwii sugi jiray amaanka degmada iyo masuuliyiinta maamulka degmada amnigooda isla markaana ay doonayaan mushaarkoodii oo ka maqa.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid ka hadashay ciidamadaan gadoodsan ee la wareegay xarunta maamulka degmada Baardheere ee gobalka,waxaana warqad ka soobaxday maamulka Jubaland xilkii looga qaaday masuuliyiintii hore u maamuleysay degmada kadib khilaaf muddoyinkii dambe jiray.