Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, Kenneth Roth oo booqasho hal maalin ah ku tegay  caasimadda dalka Kenya ee Nairobi waxa uu hadalkaasi ku sheegay mar uu wareysi siiyey Wargeyska The Star ee ka soo baxa maagaalladda Nairobi.
Waxa uu tilmaamay inay walaac xooggan ka qabaan xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Kenya, isla markaana loo baahan yahay inay Dowladda Kenya ka fekeraan qaababka ay dadka ulaa tacaalaan, marka ay ku jiraan Hawlgalladda ka dhanka ah Kooxaha loogu yeero  Argagixisadda.
Waxa uu si kulul u naqdiyey qaabka ay Hay’addaha Ammaanka ee Kenya kula dhaqmaan Soomaalida laga tirada badan iyo guud ahaan Muslimiinta ku nool Kenya, wuxuuna sheegay in nacaybkaasi keeni karo inay Kenya ku dhacdo dabinka ay Alshabaab maleegayaan, waa sida uu hadalka u yiri.
Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, Kenneth Roth waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Kenya oo ay ku dilaan dadka Kirishtaanka.
Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab doonayaan inay dadka Kenyaanka kala qeybiyaan, si ay Dowladda Kenya u qaadaan tallaabooyin lagu ciqaabayo Muslimiinta ku nool Kenya.
“Tallaabadaasi waxay horseedi kartaa inay Alshabaab qortaan Dagaalyahanno, si ay ugu biiraan†ayuu yiri Kenneth Roth.
Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Human Rights Watch waxa kaloo uu sheegay inay Dowladda Kenya khatar kale ku noqon karto haddii ay iska fogeeyaan Qaxootiga Soomaalida ee ka soo cararay dalkooda hooyo.
“Haddii ay Dowladda Kenya ku cabsi-geliso Qaxootiga Soomaalida inay dib ugu celinayaan dalkooda hooyo, waa arrinta ay Dagaalamayaasha Alshabaab doonayaan†ayuu yiri Mas’uulka ugu sarreeya Hay’adda Human Rights Watch ee Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka.
Waxa uu intaasi ku daray haddii ay Qaxootiga Soomaalida ugu laabtaan dalkooda hooyo inay Alshabaab si fudud ku qoran karaan, wuxuuna uga digay Dowladda Kenya inay taxadiraan si aysan ugu dhicin dabinka qorshaha Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyntii, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, Kenneth Roth waxa uu tilmaamay inaysan haynin caddaymo muujinayo Eedeymaha ay Dowladda Kenya had iyo jeer ku sheegaan inay Qaxootiga Soomaalida ku lug leeyihiin weeraradda joogtadda ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.
 Xigasho:- The Star
 © Radio Dalsan